Home » Cayaaraha » Xulka Tanzania Oo Xulka Somalia Afka Ciidda u Daray 0-7 Uga Badiyay.

Xulka Tanzania Oo Xulka Somalia Afka Ciidda u Daray 0-7 Uga Badiyay.

Xulka Tanzania Oo Xulka Somalia Afka Ciidda u Daray 0-7 Uga Badiyay.

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo 0-7 looga adkaaday Cayaartii galabta ay la Cayaareen Xulka Qaranka Tanzania.

Radio Balkeena, Kampala(01-12-2012):- Xulka Dalka Tanzania ayaa 0-7 uga badiyay Xulka qaranka Soomaaliya Ciyaar ka tirsanayd Koobka Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Africa ee CECAFA Oo ka socda magaalada Kampala ee Dlaka Uganda, waxaana Ciyaartaasi ay ahayd mid aad u xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen dadweyne aad u fara badan.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa loo diiday in ay Shaqaba Tanzania Mar qura xittaa Taabsiiyaan Kubaddooda Halka Shaqaba Soomaaliya uu noqdo mid wiil Tanzanian ah uu ku baashaalay oo shan goor oo is xigta shan gool uu ka dhaliyay halkaasna uu ku qaatay cayaaryahanka ugu goolasha dhalinta badan koobka haatan socda ee CECAFA.

Awalba Rajo Ballaaran lagama qabin in ay Soomaaliya Guulaysato maadaama horay ay u soo tumeen Xulalka Sudan iyo Burundi waloow Xulka Suudaan la sheego in uu ka adag yahay Kan Tanzania ee Galabta 7-da Goal uga badiyay Soomaaliya.

 

Taageerayaasha Soomaaliya ayaa markii Sedexaad Guuldaro iyo Madax xanuun kala Dareeray Garoonka Kubadda Cagta Kampala oo ay Ciyaaruhu ka socdaan, waxaana sidaasi guud ahaanba Goobka uga haray Soomaaliya oo Kaalinta koowaad ka gashay wadamada ku guul Daraystay.

Ugu dambayntii Dadka La socda Cayaaraha ayaa Soomaaliya eeda Dusha waxaa ay uga tuurayaan Gudiga Cayaaraha Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo dhaqaale Baaxadleh uga Qaata Kooxda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, kuwaasi oo aan Cayaartowda wax tababar ah siin.

 

Axmed Cali Kilwe

Radio Balkeena.

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments