Home » Wararka » Xerada Dhadhaab Oo Xalay Bandow Lagu soo Rogay iyo IFO Oo 100 Qof Xabsiga la dhigay.

Xerada Dhadhaab Oo Xalay Bandow Lagu soo Rogay iyo IFO Oo 100 Qof Xabsiga la dhigay.

Xerada Dhadhaab Oo Xalay Bandow Lagu soo Rogay iyo IFO Oo 100 Qof Xabsiga la dhigay.

Nairobi(Balkeena Radio):- Xerada Qoxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa xalay bandow lagu soo rogay kaasi oo bilowday 06:00AM kuna ekaa 06:00PM ee saaka, waxaana ujeedka Bandowgaasi lagu sheegay mid lagu hubinayo amniga Xerada.

Dhawaan ayaa Ciidamada Kenya waxaa ay Miino dhulka lagu aasay ka heleen gudaha xerada Xagardheer, waxaana aad looga shakiyay amniga Xerooyinka.

Dhinaca kale waxaa Xabsiga loo taxaabay Xerada IFO dad gaaraya ilaa 100 Qof kuwaasi oo amni darro looga shakiyay, waxaana lagu xiray Saldhig halkaasi ku yaalla.

Mudooyinkii ugu dambeeyay QM iyo Dowladda Kenya waxaa ay aad uga walaacsanaayeen Amniga Xerooyinka Waqooyiga dalka Kenya ee ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ay Gacanta ku hayso Hay’adda UNHCR.

Shalayna waxaa Xerada Dhadhaab ka dhacay kulan ballaaran oo ay iskugu miyaadeen saaraakiil Dowladda Kenya ka tirsan iyo Madax Qaramada Midoobeey ka tirsan kuwaasi oo doonayay in ay wax ka badalaan amniga dadka Barakacayaasha ah ee Xerooyinkaasi ku jira.

Axmed Cali Kilwe

RBK Radio Nairobi, Kenya

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments