Home » Warbixinada » Weerarka Maskaxda iyo Siraha qarsoon ee Gaalada

Weerarka Maskaxda iyo Siraha qarsoon ee Gaalada

Weerarka Maskaxda iyo Siraha qarsoon ee Gaalada

kkkWeerarka Maskaxda iyo Siraha qarsoon ee Gaalada Hordhac waa wax iska caadi ah in goor kasta oo dagaal la qaado loo tixraaco weerar mikatari iyadoo la isticmalayo hubka noocyadisa kala gedisan (ammunitions) ujeedada guudna ay tahay qabsashada dhul dadeed  si xoog oo awood shegasho ah waana waxa aynu ugu yeerno weerar (invasion). Si kastaba ha ahaatee intii lagu gudajiray qaybtii labaad ee qarnigii 20aad cadawga islaamku waxay badaleen habkoodi hore ee weerarka milatari iyago hindhisay qorshe kale oo ay ugu magacdaren weerarka maskaxda(ideological invasion) si ay u badalan maskaxda dadyawga sida qabsashada dhulkoda ka dib si guul ah badalida maxkaxdooda iyagoo ku dhiirigelinaya afkaartooda guud ee la xiriirta dhaqamadooda soo jireenka ah diinta iyo ilbaxnimada iyo ku shubida afkaar kale maskaxdooda taas oo si fudud aynu dhihikarno maskaxda oo laga tirtiro wixi hore wax cusubna lagu shubo(brain wash).

Afkaartaan ayaa ah mid gumaysi oo looga so horjeedo diinta islaamka oo hadii weerarka milatari loo isticmaalo hub iyo sand milatari (ammunitions) tani waxaa loo maraa iyadoo la weeraro afkaarta  guud maxaa yeelay waa hab ku haboon khatarna ku ah dhaqamada iyo ficilada maskaxeed ee bini aadamka .

Weerarka maskaxeed ee dunidan casrigaa

Wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida cadawga islaamku waxay ogaadeen in duulanka milatari uu keenikaro dadka oo kaca oo nacayb muujiya hadana iska caabiya weeraka lagu soo qaaday sidaas la adligeed waxay u badaleen weerar dhinaca maskaxda (ideological invasion) si ay saameyn ugu reebaan maskaxda dadyawga muslimka iyago ka guuraya dhinaca dhaqanka ee u adeegikara ujeedooyinka guud ee ay wataan. Runtii aad bay u adagtahay inay dadku gartaan khtartani ilaa ay daahdo waana xeelad casri oo ay hogaamiyaan niman cilmi fiican u leh bariga ama wadama islamka (Orientalists) kuwaas oo si wada jir ah u wada shaqeeya sida Christianity, Zionism iyo Premasonic.

 

Khatarta weerarkan

Marka la eego qaabka loo maray fikaradani waa nooc dagaal oo ka saameyn badan midka milatari ee meel lagu qaado maxaa yeelay sababaha hoos ku qoran.

1. Weerarka maskaxeed waa hab casri ah oo loo tixraaco dadaalada wadani isticmaalo si uu wadan kale ugu weeraro ama uu ka saameeyo si uu uga aado jiho khaas ah.

2. Aad bay uga khatar badantahay duulaanka milatari waayo waa weerar qarsoon taas oo ku dhex gasha si qarsoon wadnaha dadka ama in badan jah wareerisa quluubta dadka .

Ujeedooyinka guud ee duulaanka maskaxeed

Ujeedooyinka guud ee fikradani ayaa soo bilaabatay xilligi nabigena (NNKH) ka dib markii nin jewish ah uu su’aalay rasuulka jiritanka rabi iyo waxa ay ka samaysantahay ruuxda biniaadamka taas oo uu ula jeeday ku  abuurida shaki iyo wareer quluubta muslimiinta ujeedadani wa mida haatan ay reer galbeedku ama cadawga islamku ay adeegsadaan si ay u hogaamiso afkaarta iyo dhaqamada xunxun ee ay aminsanyihiin iyadoo la marin habaabinayo rumaynta islamka waana mid guud ee hogaamisa burburinta caqiidada bini aadamka. Sidoo kale waxay sameeyen beensheegid ku saabsan ilaha diinta islaamka sida quranka sunada iyo buugaagta taariikhda islaamka iyagoo inta badan eedaymo iyo meel ka dhac ku sameeya dhamaan waxyaalaha an kor kusoo xusay waxaynu orankarna waxay xoojiyeen dagaalka ay kula jiraan heerka luqada quraanka ee carabiga waxay sidoo kale dhiirigelyaan ama u ololeeyaan qabyaalada (tribalism) taas oo ka jawaabaysa kala qaybsanaanta afkaarta biniaadamka waxay sameeyeen intii karaamkooda ah inay faafiyaan wax kasta oo naftoodu damacdo ama sheegan wax kasta oo mala awaal ah (self indulgence) si loo kiciyo shakiga ama dacaayada wax kasta oo ku saabsan diinta islaamka.

 

La soco qaybta labaad

 

Abdulkadir Yassin Hassan(Cigal)

Almadinah International University

Cigaalyare12@live.com

Kuala lumpur Malaysia

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments