|
Home » Wararka » Weerar Madaafiic ah Oo Xalay lagu qaaday Degmooyin Muqdisho ka tirsan iyo Dad Rayid ah oo waxyeelo kasoo Gaartay.
Weerar Madaafiic ah Oo Xalay lagu qaaday Degmooyin Muqdisho ka tirsan iyo Dad Rayid ah oo waxyeelo kasoo Gaartay.![]() Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarka madaafiicda ah balse iyagu waxaa ay sheegeen in ay madaxtooyada Dalka Duqeeyeen.. Radio balkeena, Muqdisho(05-12-2012):- Inta la xaqiijiyay shan qof oo rayid ah ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ka dib Madaafiic xalay Saqdii dhexe lagu garaacay Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo masuuliyadooda ay sheegteen Maleeshiyaadk Kooxda Al-shabaab ka tirsan oo iyagu ku andacoonaya in ay Madaxtooyada Duqeeyeen. Duqeynta Dadka Rayidka ah ay ku dhaawacmeen ayaa Kooxda Al-shabaab xalay Saqdii dhexe waxaa ay ku gaareen Degoomoyinkaasi xilli dadka inta badan ay hurdayeen oo ay ku toosaan dhawaqa Madaafiicda oo mudooyinkii dambe dhagahooda ka nasteen. Dadka dhaawacmay ayaa dhamaantood ahaa Shan ruux oo hal qoys ka soo jeeda, sida ay sheegeen Dadka Degmada Boondheere. “Shan qof hal qoys kasoo jeeda ayaa ku dhaawacmay degamda Boondheere, kaddib markii hoobiyeyaal ay ku dhaceen gurigii ay ku noolaayeen, qaarkood xaaladdooda waa mi daran,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Boondheer oo magaciisa ku soo koobay Cali Nuur. Kooxda Al-shabaab oo bar internet-ka ay ka isticmaalaan ku soo daabacay saaka in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi ayaa sheegay in ay todobo Madfac oo kuwa Tiirada dheer ah ku weerareen Xarunta Dalka looga taliyo ee Villa Soomaaliya. Weerarkaan Kooxda Al-shabaab ay sheegteen waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay Hay’adaha Amniga qaabilsan ay Howlgallo ka wadeen Gudaha Degmooyinka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo intooda badan lagu qaadayay isbaarooyin sharci Darro ah, halka qaarkoodna lagu soo qab qabanayay dadka amni xumada looga shakiyo. Ugu Dambayntii Duqeymahaan oo dadka reer Muqdisho ay ka nasteen ayaa waxaa ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo Duqeyn noocaan oo kale ah ay Muqdisho ka dhacdo tan iyo markii lasoo doortay madaxda Cusub ee Dalka 3 Bilood ka hor, waxaana la is waydiinayaa Al-shabaab halka ay Muqdisho uga sugan yihiin Oo Madaafiicda ka soo ridayaan. Axmed Cali Kilwe Radio Balkeena. Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |



