Home » Wararka » Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta G. Baay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta G. Baay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta G. Baay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo maanta Booqday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Somalia.

Radio Balkeena, Baydhabo(02-01-2013):- Wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi gaaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Wafdi Saraakiil Ciidan ay ka mid yihiin oo uu hogaaminayay.

Wasiirka ayaa Magaalada Markii uu gaaray waxaa uu Kulamo la qaatay Masuuliyiinta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo ku sugan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-shabaab ka wada Deegaano ka tirsan Gobolka Baay oo Baydhabo ay mid tahay.

Socdaalka Wasiirka ee Magaalada Baydhabo ayaa ku saabsanaa sidii uu ugu kuurgali lahaa Xaaladda Ciidamada Qalabka sida ee ku sugan Gobolka Baay, waxaana uu masuuliyiinta uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo adkayn lahaa amniga.

Wali wasiirku warbaahinta wax faah faahin ah kama siin Safarkiisa Magaalada Baydhabo, ayaa safarkiisu waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan ay Gadood sameeyeen kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la’aan soo foodsaartay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ay ka mid meelaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay kala wareegeen Kooxda Al-shabaab, iyadoona inta badan ay ka dhacaan falal Amniga wax u dhimayo, kuwaasi oo wasiirku Ciidamada uu kala hadli doono sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu safarka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo uu horay u booqday Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaaray ee Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose.

Axmed Cali Kilwe

Radio Balkeena

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments