Home » Aqoonta/ Siyaasada » Warbixin:-Diidmada Ra’iisul Wasaare Gaas ee Kordhinta Baarlamaanka Cusub iyo Rabitaanka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya.

Warbixin:-Diidmada Ra’iisul Wasaare Gaas ee Kordhinta Baarlamaanka Cusub iyo Rabitaanka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya.

Warbixin:-Diidmada Ra’iisul Wasaare Gaas ee Kordhinta Baarlamaanka Cusub iyo Rabitaanka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya.
Ra'iisul wasaare Gaas oo ka horyimid rabitaanka Odayaasha dhaqanka.

Ra'iisul wasaare Gaas oo ka horyimid rabitaanka Odayaasha dhaqanka.

Nairobi(Balkeena Radio):- Iyadoo Shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 ee looga hadlayay arrimaha Soomaalida sanadkii hore (2011) lagu heshiiyay in Baarlamaanka Soomaaliya oo Tiradoodu tahay 550 Xildhibaan la dhimo oo laga dhigo 225 Xildhibaan ayaa waxaa soo baxay hadal ka yimid Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Muqdisho uu shirku uga socdo kuwaasi oo iclaamiyay in tirada Xildhibaanada laga dhigo 275 Mudane.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Proff: C/weli Maxamed Cali Gaas oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in tirada Xildhibaanadu ay ku koobnaan doonto intii lagu heshiiyay shirarkii Garoowe ee ahayd 225 Xildhibaan aysan jirin Xaalad ama xeer dhigaya in laga dhigo 275 Xildhibaan.

 

Odayaasha dhaqanka oo doonaya in ay kordhiyaan tirada baarlamaanka Cusub.

Odayaasha dhaqanka oo doonaya in ay kordhiyaan tirada baarlamaanka Cusub.

Diidmada Ra’iisul wasaare Gaas ee Kordhinta tirada Baarlamaanka cusub.

Proff: C/weli waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanku aysan lahayn go’aanka waxka badalidda tirada Xildhibaanada Cusub sida kordhinta iyo Dhimistooda, balse ay lee yihiin talo bixin kaliya sida ku cad Dastuurka Cusub, waxaana uu sheegay in Odayaashu ay go’aankaasi ku khaldan yihiin aysan ahayn howsha loo dirsaday ee ay meesha u fadhiyaan.

Rabitaanka Odayaal dhaqameedka.

Odayaasha dhaqanku waxaa ay waxka badalka tirada Baarlamaanka u cuskadeen in miisaanka ama hal beegga la doonayo in wax lagu qaybsado ay iska dhimayaan haddii tirada Baarlamaanka Cusub ay noqoto 225 xildhibaan, balse Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tirada Baarlamaanka Cusub ee la soo dooran doono ay ahaan doonto sideeda ay hadda tahay ee 225 uusanna jiri doonin go’aan ka dambeeya oo waxka badali kara.

Balse odayaasha dhaqanku waxaa ay doonayaa in ay kordhiyaan tirada Baarlamaanka iyagoo u sababaynaya qaabka ay doonayaa in beelaha Soomaaliyeed ay u qaybsadaan Baarlamaanka Cusub oo Odayaashu ay ka shirayeen mudooyinkii ugu dambeeyay kuwaasi oo shir aan loo kala kicin uu uga socdo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Odayaashu waxaa ay soo xuli doonaan Baarlamaanka Cusub ee dalka Soomaaliya yeelan doono maadaama hadda lagu jiro waqti kala guur ah, xilliga ku meel gaarnimada loo qorsheeyay in uu ku ekaado 20-ka bisha Agoosto ee sanadkaan, iyadoona markaasi ay dhici doonto Doorasho qaran oo ku tartami doonaan dadka danaynaya kursiga Madaxtinimada ee Soomaaliya.

Maxaa dhacaya haddii Odayaashu ku adkaystaan in Baarlamaanka la kordhiyo?

Haddii Odayaashu Dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho ay ku adkaystaan in tirada Baarlamaanka Cusub ay noqoto 275 Xildhibaan, waxaa meesha ka baxaya qodob muhiim ahaa oo ku jiray shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 kaasi oo ahaa in tirada Baarlamaanka cusub laga dhigo 225 Xildhibaan, si hadhow looga dheeraado kala qaybsanaanta hadda ka dhextaagan Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu aad u fara badan.

Sida horay loo shaaciyay Odayaasha dhaqanka waxaa laga sugayaa in ay soo xulaan baarlamaanka Cusub, islamarkaasina ay soo bandhigaan inta aan la gaarin xilliga kama dambaysta ah ee 20-ka Agoosto, xilligaasi oo dalka Soomaaliya uu gali doono waji cusub oo loogu yeeri doono Dowladda Dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

W/Q Wariye Axmed Cali Kilwe

RBK Radio, Nairobi, Kenya

 

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments