Home » Aqoonta/ Siyaasada » WADANKEE UGU TACLIIN FIICAN ADUUNKA?

WADANKEE UGU TACLIIN FIICAN ADUUNKA?

WADANKEE UGU TACLIIN FIICAN ADUUNKA?

 Sweden: 2012-11-28:  Dhowrkii sanoba mar ayaa waxaa la sameeyaa baaritaano lagu eegaayo wadanka ugu waxbarasho fiican aduunka. Waxaa la dersaa guud ahaan nidaamka taliineed ee uu wadan leeyahay. Haddaba sannadkaan 2012-ka  ayaa baaritaankaas tacliineed samaysay hay`ad waxbarasho oo la magacaabo Pearson. Hay`adaan ayaa waxaa ay eegtay guud ahaan tacliinta 40 wadan oo aduunka ah, kuwaas oo ay ku jiraan wadamada aduunka ugu horumarsan xagga dhaqaalaha. Waxyaalaha la eegay waxaa ka mid ah:

  • Nidaamka tacliinta wadanka ( manhijkla waxbarashada
  • Caddadka ardayda shahaadooyin buuxa ka helay dugsiyada dhexe iyo sare
  • Caddadka ardayda usii gudbey heer jaamacadeed
  • Guusha laga gaaray in kor loo soo qaado ardayda tacllintoodu liidato
  • Macalimiinta iyo sida ay nidaamka ugu qanacsan yihiin

Haddaba kolkii qodobadaan aan kor ku xusnay la isugeeyey ayaa waxaa kaalinta kowaad kusoo baxay wadanka Finland, kaas oo noqday wadanka ugu wanaagsan dhinaca tacliinta. Kaalinta labaad ayaa waxaa galay wadanka koonfurta kuuriya. Wadamo aad u waaweyn kolka laga eego dhinacyo badan sida wadanka Ingiriiska , fransiiska, jermal  iyo  mareykanka ayaan gelin qaybaha hore ee wadamada tacliinta fiican. Sidaad ku aragtid liiskaan hoose, waxaa uu wadanka maraykanku galay kaalinta 17`aad halka dalka Sweden oo lacag badan iskuulada geliyaa uu helay kaalinta 21`aad. Wadamada ku yaal qaarada Aasiya ayaa kaalimo fiican ka galay baaritaankaan la sameeyey.

Warbixinta ayaa waxaa ay sheegtay in dalka Finland uu yahay mid ku guuleystey dhamaan qaybaha kala duwan ee tacliinta. Arinkaas ayaa waxaa ay keentay in cilmibaarayaasha dhinaca waxbarashadu ay dersaan sababaha keenay guulaaha  isdaba jooga ah ee uu gaaray dalkaasi. Wayaalaha ugu waaweyn ee keenay guusha ay ardayda reer Finland ka gaareen tacliinta waxaa ka mid ah.

  1. Manhij-tacliin oo dheeli tiran
  2. Xirfada macalinimo oo ah mid leh sumcad aad u sareysa
  3. Heerka aqoonta macalimiinta oo ah mid sare marwalbana kor loo qaado
  4. Mushaharka macalimiinta oo aad u wanaagsan
  5. Higsashada in qofku tacliin yeesho oo ah mid aad u saraysa

 Waa kuwaan liiska 21-ka wadan ee dunida ugu tacliinta fiican iyo sida ay u kala sareeyaan

  1. Finland
  2. South Korea
  3. Hong Kong
  4. Japan
  5. Singapore
  6. UK
  7. Netherlands
  8. New Zealand
  9. Switzerland
  10. Canada
  11. Ireland
  12. Denmark
  13. Australia
  14. Poland
  15. Germany
  16. Belgium
  17. USA
  18. Hungary
  19. Slovakia
  20. Russia
  21. Sweden

 Macalin c/risaq Maxamed Xuseen

Balkeena.com

Eskilstuna,sweden

habdirisak@hotmail.com

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments