Home » Wararka » Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Oo kasoo Horjeestay Xeer Saxaafadeed Wasaaradda Warfaafintu soo Saartay.

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Oo kasoo Horjeestay Xeer Saxaafadeed Wasaaradda Warfaafintu soo Saartay.

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Oo kasoo Horjeestay Xeer Saxaafadeed Wasaaradda Warfaafintu soo Saartay.

Burhaan Axmed Daahir Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo Cambaareeyay Xeerka Saxaafadda Quseeya ee ay Wasaaradda Warfaafintu soo saartay.

Radio Balkeena, Garoowe(07-12-2012):-Urur Suxufiyiinta Puntland ay ku midaysan yihiin ee Media Assiosation Of Puntland (MAP) ayaa si Kulul u cambaareeyay oo uga soo horjeestay Xeer Saxaafadda lagu dhaqayo oo dhawaan ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland kaasi oo sida la sheegay aan lagala tashan Warbaahinta iyo wariyeyaasha.

Xoghayaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Cambaareeyay tallaabada ay Wasaaraddu qaadday waxaana uu sheegay in wasiirka haatan ee wasaaradda Caydiid ay u sheegeen in xeerkaan dib loogu soo celiyo dhinacyad uu quseeyo si ay u arkaan markaas ka dibna Baarlamaanka loo Gudbiyo.

Burhaan waxaa uu sheegay in Wasiirku uu ka diiday oo sidaas Baarlamaanka loogu Gudbiyay, waxaana uu Xoghayahu Baarlamaanka ka codsaday in ay Heerkaas Ansixin ee ay Dib ugu soo celiyaan wasaaradda.

Halkaan ka dhagayso Shirkii Jaraa’id ee Burhaan Axmed Daahir.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Axmed Cali Kilwe

Radio Balkeena.

 

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments