|
Home » Wararka » Taliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho Oo Raali Gelin ka bixiyay Gaari kooda ah oo dad rayid ah jiiray.
Taliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho Oo Raali Gelin ka bixiyay Gaari kooda ah oo dad rayid ah jiiray.
Shan ruux ayaa ku dhaawacantay shilkaasi oo shalay galab ka dhacay meel u dhow xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana dadka labo ka mid ah lagu daawaynayaa Isbitaal ay lee yihiin Ciidamada AMISOM halka Sedexda kalena ay jiifaan isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Gen. Audace Nduwumunsi Taliye ku xigeenka Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, waxaa uu sheegay in gaarigoodu uu si khalad ah u jiiray gaariga ay dadka shacabka ah la socdeen, waxaana uu sheegay in aysan intaas uga hari doonin ee ay baaritaan xooggan ku samayn doonaan. “Haddii uu baaritaanku caddeeyo in darawalka si mas’uuliyad darro ah u watay gaariga markii uu jiirayay shanta qof, waxaa la hor-geyn doonaa caddaalladda, iyadoo sidoo kale mas’uuliyad la iska saarayo in aysan mar kale soo noqon” Sidaas waxaa yiri Taliye xigeenka Ciidamada AMISOM. Generaalku waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin walaalahood ,islamarkaasina aysan aqbali doonin in dhibaato ay dhankooda uga timaado, waxaana uu sheegay in hadafka ugu wayn ee dalka Soomaaliya u joogaan uu yahay sidaa ay nabad waarta uga dhalin lahaayeen colaadaha iyo argagixisadana loo soo afjari lahaa. Axmed Cali Kilwe RBK Radio Nairobi.
Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |



