Home » Aqoonta/ Siyaasada » Sweden:- Buufinta iyo ladagaallanka Kaneecooyinka oo la ogolaaday

Sweden:- Buufinta iyo ladagaallanka Kaneecooyinka oo la ogolaaday

Sweden:- Buufinta iyo ladagaallanka Kaneecooyinka oo  la ogolaaday

Wasiirada Deegaanka ee waddanka Sweden ee lagu magacaabo Lena Ek ayaa waxa ay sheegtay in dadku ay dhib badan ku qabaan Kaneecada sidaa daraadeedna laga buufin doono si bay tiri looga hortago dhibaatada Kaneecada

Waddanka Sweden ayaa waqtiga xagaaga ee kuleelaha ah lagu arkaa Kaneecooyin aad u fara badan oo dadku dhibsadeen, tiro badida Kaneecadaha ayaaa waxa ay keentaa marmarka qaarkood in ay dadka indhaha ama dhegaha ka galaan iyo weliba miciyo xanuun badan ku muda.

Waxaa jira dad aad u fara badan oo aan u adkaysan karin Kaneecada xasaasiyadna ku qaba.

Badida Kaneecooyinka ayaa sababta in dadka aadi waayaan dibada oo ay  ka baqaan, haddiise la suurogeliyo buufiska kaneecada lagu buufinayo sunta waxaa fududaanaya in dadka dibada aad ugu soo baxaan oo ay ka yaraato cabsidii badnayd oo ay ka qabeen Kaneecooyinka.

Wararka Balkeena

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments