Home » Wararka » Soomaaliya iyo Turkey Oo wada Gaaray Heshiis wax u Taraya Ciidamada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkey Oo wada Gaaray Heshiis wax u Taraya Ciidamada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkey Oo wada Gaaray Heshiis wax u Taraya Ciidamada Soomaaliya.

Wadamada Somalia iyo Turkey oo wada gaaray Heshiis dhinaca Ciidamada ah oo wax badan looga badalayo awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Radio Balkeena, Muqdisho(09-12-2012):- Iyadoo dhawaan wafdigii uu hogaaminiyay madaxweynaha Soomaaliya ay Booqosho sedex maalmood qaadatay ay ku tageen Dalka Turkey ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi markii uu Dalka dib ugu soo laabtay waxaa uu ka warbixiyay heshiisyadii ay soo wada gareen iyaga iyo Madaxda Turkey gaar ahaan Kulan uu la yeeshay dhiggiisa dalkaasi.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkey ay soo kala saxiixdeen Heshiis wax ku ool ah oo wax badan u taraya Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaanna sidii loogu furi lahaa Tababaro dhinacyo walba iyo sidii loo qalabayn lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Heshiiska waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu soo tababaro dalka Turkiga, islmarkaana ay qalabeeyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa uu sheegay in heshiiska ay soo kala saxiixdeen iyaga Dalka Turkey uu dhaqan gali doono dhawaan markii ay meel mariyaan Baarlamaanada labada Dalka, isaguna uu maalmaha soo socda horgayn doono Baarlamaanka Soomaaliya Heshiiskaasi si ay u meel mariyaan.

Ugu Dambayntii Dowladda Turkey waxaa ay u soo jeedaa in ay gacan buuxda ka gaysato dib u dhiska Dalka Soomaaliya, gaar ahaan soo celinta Bilicda magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah, Tababarada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Caawinaadda Dadka gudaha ku barakacay ee ku sugan Xerooyinka Muqdisho ku yaalla iyo dhinacyo kale oo fara badan.

Axmed Cali Kilwe

Radio Balkeena.

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments