|
Home » Aqoonta/ Siyaasada » Shirkii Lagu Soo Xulayay Ergooyinkii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya Oo Galabta Si Rasmiya Uga Furmay Muqidisho iyo Nuxurka Hadaladii Masuuliyiintu Jeediyeen.
Shirkii Lagu Soo Xulayay Ergooyinkii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya Oo Galabta Si Rasmiya Uga Furmay Muqidisho iyo Nuxurka Hadaladii Masuuliyiintu Jeediyeen.
Furitaankii Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed, Raysal wasaare Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, xubno ka tirsal Golaha wasiirada, Xildhibaano,Saraakiil Ciidan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Boqolaal Odayaasha dhaqanka ah. Bilowgii furitaanka Shirka ayaa waxaa lagu furay Kooxda fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed ee Heegan waxayna ku fureen heeso qiira galiyay dadkii kulanka fadhiyay. Intaasi ka dib ayaa waxaa hadalka qaatay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlada Soomaaliya Mudane Cabdilqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo xudbad aad u dheer ka jeediyay kulanka. Khudbada Wasiir jaahweyn oo ahayd mid aad xasaasi u ah ayuu ugu horayn sheegay in Maalta ay tahay Maalin taariikihi u ah Soomaaliya iyo waliba caalamka maadaama ay Soomaalidu dalka gudihiisa uga tashanayso aayaheeda, wuxuuna Odayaasha dhaqanka ee kulanka joogay kula dardaarmay inay ka soo baxaan doorkoodii ku aadanaa xal u helida mushkilada Soomaaliya. Dhanka kale waxaa isna madasha shirka maanta ka hadlay Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Fedraalka iyo Dib u heshisiinta Soomaaliya Mudane . Cabdulaahi Xoosh Jabriil wuxuuna si qoto dheer uga faalooday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo halgankii dheeraa ee loo soo galay hirgalintiisa wuxuuna wax lagu faani karo ku tilmaamay kulanka maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaasi oo isaguna Khudbad kooban ka jeediyey Xafladda furitaanka Shirka ayaa ugu horeyn xusay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo bilow u ah isbedel ballaaran oo dalka ka hanaqaada,Dhaqankii Soomaaliyeedna ay ku dhanyihiin Caasimadda loogana fadhiyo iney si hufan uga fikiraan aayaha dalkooda. “Waxaan maanta joognaa marxalad cusub oo aayaha dalkeenna aan si nabad ah Muqdisho uga hadleyno,Sptember 06 ayey aheyd markii madaxda Soomaalidu ay saxiixeen in aayaha dalka loo furo dhabo cusub waana farxad weyn in aan maanta Muqdisho isugu nimid sidii uu dalku u yeelan lahaa Dowlad Cusub”ayuu yiri Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas. Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay dhanka kale in Soomaaliya aysan mudo 21sano ah laheyn wax dowlad ah balse 12kii sano ee lasoo dhaafay dalka ay ka jireen Dowladdo KMG ah oo aanay iyagu aduunka xitaa heshiis la geli Karin balse Xukuumaddu ay ka dhabeysay qodobadii la saxiixay 06September taasi oo maanta loo fadhiyo dhabihii looga gudbayey Marxalada kala guurka. Sidoo kale Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali waxa uu si kooban u sharaxay 8dii bilood ee lasoo dhaafay waxyaabaha ay xoogga saartay Xukuumadda haatan jirta waxaana uu xusay in waxbadan oo ay Ammaanka ugu horeyso wax laga qabtay iyo dhameystirka Dastuurkan cusub oo Diinta Islaamka ay saldhig u tahay,Diin aanan aheyn Islaamna dalka ka jiri Karin hadana weli Umaddu u furantahay inay qabyo qoraalka Dastuurkan wax ka bedeli karaan. Ra’isulwasaaraha waxa uu dhanka kale ku dheeraaday marxalada maanta la joogo iney muujineyso sidii dalka uu ku yeeshay Dastuurkii 1960kii kaasi oo ay markiisii hore ansixiyeen Ergey kooban Sanad kadibna Shacabka afti looga qaaday,maantana ay ansixindoonaan marka hore Ergey gaareysa 825 oo qeybaha bulshada la tashiyo la sameynaya kadibna marki cadawga dalka laga xoreeyo afti shacabka looga qaadayo. Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali waxa uu mahad ballaaran u celiyey Geesiyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo iyagu u istaagay iney dalka Cadawga ka xoreeyaan islamarkaana ay iyagu sabab u yihiin guusha maanta la taaganyahay waxaana uu ugu dambeyntii Ra’isulwasaaruhu la dardaarmay Odayaasha Dhaqanka oo uu kula dardaarmay iney si gaar ah uga fikiraan Cida ay usoo xulayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna khudbad ka jeediyey Xaflada Furitaanka Shirka Odayaasha Dhaqanka ayaa ugu horeyn Dhaqanka Soomaaliyeed kusoo dhaweeyey Muqdisho iyo Shirkan qiimaha leh waxaana uu Alle uga mahad celiyey Fursadan uu maanta Umadda Soomaaliyeed gacantooda kusoo celiyey aadna uu ugu faraxsanyahay islamarkaana uu rajeynayo in Odayaasha Dhaqanku ay soo saaraan Dowlad Cusub oo dalka Hanata,waxbadanna u qabata Dadka. Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhanka kale u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Afrika ee taageeraya waxaana uu xusay in Dastuur la’aan ay tahay Dowlad La’aan,Dowlad La’aanna ay tahay nin in nin walba oo xoogiisa socdo taasina dhibaatadeeda lasoo arkay. Ugu dambeyntii waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu baaqay qeybaha Bulshada iney taageeraan Dastuurkaan iyo hanaanka hada socda lagamamaarmaanna ay tahay in lagu wada qanco danta Guud,loona tanaasulo. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Khudbad ka jeediyey Xaflada ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay inuu jecelyahay inuu odayaasha dhaqanka kusoo dhaweeyo Caasimadda waxaana uu yiri”kusoo dhowaada magaaladiinii”. “Maanta waa maalin taariikhi ah oo ay Umadda Soomaaliyeed u diyaar garoobeyso iney ka gadubto marxalad kala guur ama KMG ayna u gudbaan marxalad Caadi ah taasina waa wax ay xaq u leeyihiin”ayuu Yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale si kooban uga sheekeeyey dhibaatada ay leedahay KMG sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in si dhibaatadaasi looga gudbo isna laga gudbo KMGnimada shirkanna uu bilowyahay sidii marxaladaasi looga gudbi lahaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha Dhaqanka ee ku kulansan Muqdisho ay yihiin Dhaqankii saxda ahaa islamarkaana aysan shaki ku jirin in Umadda Soomaaliyeed ay ku qanacsanyihiin waxa ay soo xulaan iyo waxa ay ansixiyaanba waxaana uu xusay inuu rajeynayo iney ku guuleysan doonaan howshooda. Ugu danbayntii kulankan ayaa la filayaa inuu socdo ku dhawaad toban bari waxaana Odayaasha dhaqanka oo laga kala soo xulay Beelaha Soomaaliyeed looga fadhiyaa inay soo xulaan Ergadii ansixin lahayd Dastuurka Cusub ee ay Soomaaliya yeelan doonto. RBK Radio Lusaka Zambia
Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |



