Home » Wararka » Ra’iisul Wasaare Dr Shirdoon Oo Xukuumadda Soo dhamaystiray Maanta.

Ra’iisul Wasaare Dr Shirdoon Oo Xukuumadda Soo dhamaystiray Maanta.

Ra’iisul Wasaare Dr Shirdoon Oo Xukuumadda Soo dhamaystiray Maanta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta soo dhamaystiray Xukuumadda, waxaana uu magacaabay Wasiirro ku xigeenno iyo Wasiiru Dowle yaal.

Radio Balkeena, Muqdisho(13-10-2012):- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhamaystiray Xukuumaddisa waxaana uu magacaabay Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku xigeenno cusub.

Horay Ra’iisul wasaaruhu la tashi dheer waxaa uu soo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 10 Xubnood Maanta waxaa uu magacaabay Wasiirro ku xigeeno gaaraya 10 Wasiir ku xigeen iyo 5 Wasiiru Dowle.

Halkaan ka akhriso Magacyada iyo jagooyinka Masuuliyiinta uu maanta magacabay Ra’iisul.

Wasiir ku xigeennada cusub

  1. Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha dibedda: Injineer Maxamed Aadan Axmed iyo Jamal Maxamed Boorow
  2. Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha gudaha: Xasan Ibraahim Maxamed iyo Jaamac Axmed Maxamed
  3. Wasiir ku xigeennada wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta: Maxamed Xasan Aadan iyo Abuukar Xasan Cali
  4. Wasiir ku xigeennada wasaaradda horumarinta adeegga bulshada: Bashiir Maxamed Jaamac iyo Maxamed Macallin Yaxye
  5. Wasiir ku xigeennada wasaaradda cadaaladda iyo diinta: Fahmo Axmed Nuur iyo Xasan Maxamed Jaamac
  6. Wasiir ku xigeennada wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska: Nadiifo Maxamed Cismaan iyo Cali Sheekh Maxamed Nuur
  7. Wasiir ku xigeennada wasaaradda khayraadka:  Siciid Xasan Cismaan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi
  8. Wasiir ku xigeennada wasaaradda gaashaandhigga: Axmed Maxamed Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
  9. Wasiir ku xigeennada wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha: Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil iyo Maxamed Cali Xagaa
  10. Wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta: Cabdishakuur Cali Mire iyo Ibraahim Yarow Isaaq

 

Wasiiru dowlayaasha
  1. Wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed
  2. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Nuur Gacal
  3. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Mahdi Maxamuud Cali.
  4. Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta, Maxamed Rashiid Sheekh Daahir.
  5. Wasiiru dowlaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamuud Ismaacil Barqadle.

 Radio Balkeena, Muqdisho- Somalia.

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments