Home » Radio balkeena » Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Oo Golle Deegaan loo Dhisayo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Oo Golle Deegaan loo Dhisayo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Oo Golle Deegaan loo Dhisayo.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug axmed Muuse Nuur yare.

Radio Balkeena, Gaalkacyo(22-10-2012):- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo muddo hal sano ka hor ah la kala diray Golleheedii Deegaanka ayaa Dowladda Puntland waxaa ay ku howllan tahay sidii Gole deegaan oo hor leh loogu dhisi lahaa Magaalada, waxaana Gaalkacyo gaaray Maalintii shalay ahayd wafdi isugu jira Wasiirro iyo Wasiiro ku xigeeno kuwaasi oo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C.raxmaan Faroole uu u wakiishaday in ay wax kasoo dhisaan Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare (Dabakariix) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda loosoo jeestay sidii Golaha Deegaanka loogu dhisi lahaa Degmada Gaalkacyo,  wuxuuna sheegay inay meel wanagasan marayaan qaabkii loosoo dhisi lahaa Gollahan.

Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo cayaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran ,wasiirka caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi Warsame ,Wasiir xigeenada arimaha gudaha iyo beeraha ayay kala yihin xubnaha wasiirada ah ee hawshan loo igmadey.

Dadweynaha magaalada galkacayo ayaa si weyn u soo dhoweeyey talaabadan golaha deegaanka loogu sameynayo ,iyadoona la sheegey in sanadka Galkacayo ay ka hartay Barnaamijka JPLG gole deegaan oo aysan lahayn awgeed.

Golihii Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo waxaa la kala diray bishii afraad ee sanadkii 2011, waxaana hadda loo xilsaaray Odayaasha magaalada in ay soo xulaan Golaha Deegaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolku waxaa uu ka warramaya arrinta Golaha Deegaanka iyo waliba Amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Halkaan ka dhagayso Gudoomiye ku xigeenka G.Mudug Axmed Muuse oo Arrintaasi ka hadlaya.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Radio balkeena

Gaalkacyo-Puntland.

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments