Home » Wararka » Madaxweynaha Soomaaliya Oo beeniyay in Xiriir xumo ay ka dhex jirto iyaga iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo beeniyay in Xiriir xumo ay ka dhex jirto iyaga iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo beeniyay in Xiriir xumo ay ka dhex jirto iyaga iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Toosh if dheer ku ifiyey Khilaafkii la sheegay in uu u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Tan Kenya Waxba kama jiraana ku tilmaamay.

Radio Balkeena, Muqdisho(13-10-2012):- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya uu soo kala dhex kalay Xiriir xumo iyo isfahan darro, waxaana uu sheegay in wararkaasi ay waxba kama jiraan yihiin, uuna dhawaan booqan Doono Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa xusay in marar badan ay Madaxda Kenya Ballameen balse ay Suurtogal noqon wayday in ay Kulmaan Sababo uu ku tilmaamay mashquullo iyo dib u dhacyo ku yimid dhanka Soomaaliya, waxaana uu xusay in Dowladda Kenya ay tahay Daris wanaagsan.

“Maya maya Anaga iyo Kenya Xurguf nooma dhexayso Colaad iyo Khilaaf anaga iyo Dowladda Kenya naga dhexeeya ma jiro, waad garanaysaan Dowladda Kenya waxaa ay ka mid tahay Dowladdaha iyo Shucuubta ku tabarucay Ciidan in ay u soo diraan Soomaaliya si ay Soomaaliya nabad iyo Xassilooni waarta uga dhalato, si nimaan dhibka badan leh ee dadka Dhubka badan ku yaha loo baabi’iyo, wiilashoodii ayaa dalkaan ku dhintay dhiigooddii ayaa ku baxay dhibaatadaan mar marka qaarkeed, meelo kenya ka mid ah ka dhacaysana waxay uga dhacaysaa maxaad Soomaaliya u saacidaysaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlyay khilaafka Mudooyinkii la buunbuuniyay in uu u dhexeeyo Madaxda Dowladda Soomaaliya kuwa Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Dhinaca kale waxaa uu ka jawaabay su’aal ahayd in iyaga Dowladda Kenya ay ku kala aragti duwan yihiin Maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka ee Soomaaliya, waxaana uu yiri” Gobolada Jubooyinka horta Gobolada Soomaaliy ayay ka mid yihiin Dowladda Soomaaliya ayaa Dowlad ka ah, Dowladda Kenya iyo Ururka IGAD-na Door bay ku lee yihiin oo ah in ay Dowladda Soomaaliya ku kaalmeeyaan Sidii ay Dowladda Soomaaliya Dalka uga samayn lahayd Maamulo Madaxbanaan, laakiin dalkaan waa dal xor ah waa Dal Madaxbanaan, Dowlad Rasmi ah ayaa ka jirta”…

Docda kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Carrabaabay in uu dhawaan Booqan Doono Dalka Kenya gaar ahaanna Asbuucyada soo socda waxaana uu yiri” Anaga iyo Kenya Cilaad Xumo nagama dhexayso, mashquulaad iyo Daruufo gaar ah iyo Shirar Caalami ah iyo Jadwallo horay u Dagsanaa way jiraan oo xoogaa amuuraheena kala daahiyay mar aan anagu ballamo kale lahayn oo aan ku daahnay iyo mar ay iyagu ballamo kale lahaayeen waxaas way jiraan, laakiin booqashadayda kenya way taagan tahay dhawaanna waan tagi doonaa”..
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dadka falaanqeeya arrimaha Soomaaliya aya sheegayeen in ay jiraan Xurgufo Siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Kenya iyo tan Soomaaliya oo ku saabsan dhinaca Jubooyinka Soomaaliya, iyo Maamul u samaynta, balse hadalka Madaxweynuhu waxaa uu meesha ka saarayaa guud ahaan tuhumada noocaan ah ee la qabay.

Axmed Cali Kilwe

Radio Balkeena.

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments