Home » Dhacdooyinka » Jaaliyadda Puntland ee Dalka Zambia Oo Baaq Shuruud la’aan lagu siidaayo Nabadoon Yaasiin ah u Dirtay Dowladda PL.

Jaaliyadda Puntland ee Dalka Zambia Oo Baaq Shuruud la’aan lagu siidaayo Nabadoon Yaasiin ah u Dirtay Dowladda PL.

Jaaliyadda Puntland ee Dalka Zambia Oo Baaq Shuruud la’aan lagu siidaayo Nabadoon Yaasiin ah u Dirtay Dowladda PL.

Radio Balkeena, Ndola(27-12-2012):-

Ujeedo: Baaq

    27, December 2012

 

KA: QURBA JOOGTA REER PUNTLAND EE ZAMBIA

 

KU: MADAXWAYNAHA PUNTLAND – BOOSAASO

OG: HEY’ADAHA CAALAMIGA AH (UN, AU, ARAB LEAGUE, OIC, IGAD)

UJEEDDO: SII DAYN SHURUUD LA’AAN NABADOONO IYO WAXGARAD LAGU XIREY GAROOWE

 

MARKAAN ARAGNAYDhibaatooyinka ugubka ah ee uu Maamulka Puntland la soo baxay oo ka koobnaa xariga, jirdilka, bahdilkii iyo kala cayrintii uu Maamulka Puntland u gaystey odoyaashii, nabadoonadii iyo aqoon-yahankii u yimid Caasimadda Puntland (Garoowe) inay darsaan oo ka talo bixiyaan jawiga qalafsan ee Puntland.

MARKAANU DHEEHANAY, Dastuurka Puntland ee qeexaya xoriyadda hadalka, fikirka, kulanka iyo dhaqdhaqaaqa mawaadiniinta Puntland ay ku joogi karaan dhammaan magaalooyinka Puntland.

ANNAGOO OG, in Nabadoonada, Odayaasha iyo waxgaradku ay si nabad buuxda ah ku socdeen oo ay ku cabirayaan fikirkooda kaga aadan xaaladda Puntland.

MARKAANU DHEGEYSANNEY OO DERISNAY, Hadaladii fal-celiska ahaa ee uu jeediyay guddoomiyaha Gobolka Nugaal kadib markii qaar ka mid Nabadoonadii, odayashii iyo waxgaradkii la xirey; qaar kalena la jir diley; qaar kalena loo diidey iney soo galaan caasimadda Puntland ee Garoowe.

WAXAA NOO SOO BAXDAY, In maamulka Puntland uu masuul buuxa ka yahay, kana ahaan doono dhibtii soo gaartay nabadoonada iyo waxgaradka xiran iyo waxgaradkii kale oo la jir diley . Waxaan dareensanay in dowladu xad-gudub qaawan ku samaysay xeerarkii aasaaska u ahaa ee xuquuqul-insaanka ee banaynayay in dadku fikirkooda si xor ah ku dhiiban karaan.

WAXAAN SOO JEEDINAYNAA, In maamulku si degdeg xoriyadooda u siiyo nabadoonada iyo waxgaradaka xir-xiran oo uu ay horeeyaan Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Abdi-Kaafi Hassan Mohamed oo ah ku-xigeenka Hay’adda Daryeelka Bulshada. Waxaa kale oo laga sugayaa maamulku inay raali galin iyo mag-dhaw munaasib ah ka bixiyaan xarigii, jir-dilkii iyo ihaanadii uu u gaysatay dhamaan nabadoonadii iyo ergooyinka doonayay inay shirka ku qabsadaan caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxaan dereensiinaynaa Maamulka Puntland, Inay ilaaliyaan maqaamka caasimadda oo aan la dareensiin shacabka Puntland inay Garowe tahay wax ka yar caasimaddii dadka u dhexaysay.

1.Abdi Abshir Warsame Dhodhole

2.Abdihodan Abdulahi Khaliif Naftixoor

3.Abshir Jama Yacquub (Abshir Coon)

4.Hassan Axmed Mohamed Faroole (Sandhool)

5.Yassin Mohamed Guure (Yaasin Afdhere)

6.Mohamed Mohamud Firin (Maaruf)

7.Mohamed Ali Mursal (Mooye)

8.Abdirahman Abdulahi Khaliif ( Natftixor)

9. Garabey Abdulahi Khaliif (Naftixoor)

10. Ahmed Husein Elmi (Irbad)

11.Haaji Abdulahi Warsame (Kitte)

12.Abdullahi Yusuf Husein

13.Abdiqani Sayn Seed Samatar

14.Abdiqani Farah Hassan Cadde

15.Ducaysane Yasin Firin

16.Mahad Ashkir Ali Dacar

17.Eng.Yasiin Nuur Ismail Jeenacad

18.Dhafoor Jama Aare

19.Abduqadir Haraf Jama

20.Abdikaafi Cunahaye

21.Mohamed Abdrisaq Jama

22. Ali Nasir Aare

 

Wa Bilaahi Towfiiq..

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments