|
Home » Dhacdooyinka » Gudoomiyaha Gobolk Mudug Oo Booqday Geela Barqomaal ee Duleedka Gaalkacyo(Sawirro).
Gudoomiyaha Gobolk Mudug Oo Booqday Geela Barqomaal ee Duleedka Gaalkacyo(Sawirro).![]() Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Jaamac Yuusuf(Tigey) Oo maanta Booqday Geela Barqomaal ee Duleedka Waqooyi Magaalada Gaalkacyo/photo/ceelgows.com Radio Balkeena, Gaalkacyo(03-12-2012):- Guddoomiyaha Gobolka mudug Mudane Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey ayaa Booqday Geela Barqamaal oo ku sugan Bariga Magaalada Gaalkacyo, gudoomiyaha oo ka war bixiyey waxa uu halkaas kusoo arkay iyo sida ay ula muuqato hormarka uu samaynayo geela Barqa-Maal oo ah kan caanaha siiya magaalada Gaalkacyo waxaana uu yiri. Barqamaal waa Geel Daboolay Baahidii Caanaha Geela ee Magaalada Gaalkacyo,sidoo kalana wuxuu geela barqamaal Daboolay Baahidii difaaca Dhulka Dooxa Mudug wuxuuna ka qayb qaataa nabadgalyada deegaanka uu Marwalba ku suganyahay iyadoo Ragga geela barqamaal haysta ay yihiin rag mas’ uuliyiin ah oo caan ku ah inay nabadda ka sheqeeyaan. Baadida ayay dadka Reer miyiga ah ukala Celiyaan waxay ka hortagaan tuugaysiga jidgooyooyinka iyo wax walba oo nabad kuwada noolaanshaha wax u dhimaya, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ku boorriyay ragga Geela Barqamaal Madaxda u ah inay nabadda ka sheqeeyaan in la is dilana inaysan xal noqonayn in la isdilo inay ka wacantahay in lawada noolaado in la is Dhacana inay ka Wanaagsantahay in wax lawada cuno. Sidaa awgeed in looga baahanyahay Ragga barqamaal inay Nabadda xoojiyaan, Guddoomiyuhu Wuxuu Sheegay Mashruuca Barqamaal inuu yahay mid lagu guulaystay dhanka dakhliga faa’iidada laga helo waxaa ka Badan Faa’iidooyinka Dhanka Bulshada oo ay ka mid yihiin dhalinyaro badan oo Burcadbadeed ama Jirri isbaarooyin dhigta noqonlahayd ayaa lagu jiheeyay oo shaqo looga abuuray sidoo kale waxaa shaqo looga abuuray hooyooyin badan oo Caanaha ka Ganacsada oo noloshooda kala soo baxa Dawladduna waxay ka heshaa canshuur. wuxuu kaloo geela barqamaal kaqaybqaatay Dayactirka Wadada Wadaagsin geela barqamaal wuxuu soo nooleeyay dhaqankii suubanaa ee fayadhawrka caanaha sida in la isticmaalo dhiilihii Qabada laga Samayn jiray iyo joogag waawayn oo macdan ah ku waasoo ilaalinaya nadaafadda caanaha Gudoomiye Tigey wuxuu Sheegay Mashruuca Barqamaal Markaan inuu u Baahanyahay Horumarin sida in loo qodo ceelal in loo sameeyo beero lana Dagaameeyo in caanaha loo sameeyo Warshado si loogu iib geeyo Daafaha Soomaaliya iyo dunida Dacaladeeda. Xigasho:- Ceelgows.com Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |





