Eskilstuna: Xisbiga shaqaalaha oo isugu soo baxay mudaaharaad aad u weynSweden: Xisbiga shaqaalaha ( socialdemokraterna) ee dalkan Sweden ayaa waxaa uu soo qabanqaabiyey mudaaharaad aad u balaaran oo ka dhacay dhamaan magaalooyinka dalka oo dhan. Mudaaharaadka ayaa loogu talo galay xuska iyo maamuuska maalinta shaqaalaha ee 1-da may. Dad aad iyo aad u fara badan oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa isugu soo baxay meelo badan. Waxaa sanadkaan aad u badnaa dadka mudaaharaadka kasoo qayb galay, maadaaba ay jiraan dhaliilo badan oo dowlada dalka xakunta loo soo jeedinaayey. Madaxda xisbiga ayaa waxaa loo kala diray dhamaan gobolada dalka si ay khudbado uga jeediyaan halkaas. Haddaba magaalada Eskilstuna oo ah magaalada ugu weyn gobolka Sörmland ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay mudaaharaad aad u balaaran. Dadka ayaa aad isugu soo baxay si cududooda u muujiyaan. Markii ay saacadu ahayd 12.30 -kii duhurnimo ayaa waxaa lagu balamay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Eskilstuna. Xaafadaan oo la yiraahdo Årby ayaa ah mid ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah. Kulan iyo khudbado gaagaaban ka dib ayaa waxaa dadka halkaas iugu yimid ay usoo dhaqaaqeen dhinaca magaalada. Waxaa mudaaharaadka horsocdey ciidanka booliiska oo ilaalinaayey nidaamka iyo kala damaynta. Mudaaharaadka waxaa kasoo qayb galay madax iyo dadweyne ka socdey jaaliyada soomaalida ee magaalada Eskilstuna. Jaaliyada ayaa kaalin firfircoon ka muujiyey mudaaharaadkii maanta. Waxaa golaha dhexe ee xisbiga shaqaalaha ee magaalada caasimada ah ee stockholm ayaa waxaa matalaayey madaxa qabta tacliinta u qaabilsan xisbiga. Waa masuulka la yiraahdo Mikael Danberg. Waxaa kaloo u mudanahaani madax u yahay xildhibaanada xisbiga shaqaalaha ugu jira baarlamaanka. Waana ninka noqon doona wasiirka waxbarashada haddii xisbiga shaqaaluhu ku guuleysto doorashada soo socota. Xilhibaan, Mikael Danberg ayaa waxaa uu khudbad aad u qiimo badan kasoo jeediyey faras magaalaha Eskilstuna. Xildhibaanka ayaa khudbadiisu taabaneysey meelo kala duwan. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: Shaqada: ” Sweden , waxaa lagu dhisay shaqo iyo tacliin. Waxaanu diyaar u nahay inaan xoog saaro sidii shaqooyin loo abuuri lahaa loona kordhin lahaa tacliinta. Dad badan ayaa shaqo la`maanta, tasina ma aha wax fiican, waana in aan ka hortagnaa. Dowlada dalka ka talisaa waxaa ay dadka u sheegtay wakhtigii doorashada iney shaqo abuuri doonto balse taasi ma dhicin oo waxaaba batay shaqo laàantii. Xisbiga shaqaaluhu waxaa uu aad uga shaqayn doonaa sidii shaqo loo abuuri lahaa”
Tacliinta: ” Ma jiro dal dhismi kara, horumarna gaari kara kol haddii aaney jirin tacliin wanaagsan. Lafdhabarta dhaqaalaha Sweden waa tacliinta. Waxaana balan ah inaan heerka tacliinta iyo aqoonta aan kor u qaadno. Dowlada maanta jirtaa waxaa ay abuurtay iskoolo kala sareeya, oo aan dadku u sinayn. Haddii waalidkaa lacag leeyahay oo uu shaqo fiican haysto waxaa ilmuhu tegayaa iskuul fiican haddii kalena waxaa sugaaya iskuul liita. Taasi cadaalad maaha. Mana aha qaabkii sweden lagu dhisay. Qofkastaa waa inuu helaa tacliin wanaagsan. Xisbiga shaqaaluhu waxaa uu iskoolada dib ugu soo celin doonaa habkoodii hore ee cadaalada ku dhisnaa. waa inaad nagu taageertaan arinkaas” Caafimaadka: Qof kasta oo sweden joogaa waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo caafimaad tayo leh. Ma aqbaleyno in sweden laga dhigo meel qofka lacag haystaa uu helo dhakhtar fiican halka kan faqriga ahina uu helo dhakhtar xun. waxaan dhaqaale badan gelin donaa caafimaadka si aan tayadiisa kor ugu soo qaadno. Dadk waayeelka ah: Dad waayeelka ahi waa kuwii dhisay, una soo halgamay dalka sidaas darteed waxaa ay mudan yihiin in sharaftooda la ilaaliyo wakhtiga ay tabar yareeyaan. Ma aha in shirkado gaar loo leeyahay maamulaan arimaha dadla da`da ah. ma aha in ganacsi oo adeegsado. waa in la dhowraa oo la dhaqaaleeyaa. Arintaas wax weyn ayaan ka qaban doonaa. Cunsurinimada: Qolooyinka cunsuriga ah ee dadka kala takoora, ma aha iney jidadkeena qabsadaan, ma aha iney dadka ku xadgudbaan, ma aha iney dadka kala qaybiyaan iyagoo eegaaya halka qofku ka yimid. Cunsurinimada waa inaan la dagaalanaa oo aan kasoo horjeensanaa. Waxaan leenahay MAYA! ma aqbaleyno dadka oo la kala saaro iyo midab takoor. Xildhibaanka ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay arinta falastiin iyo kacdoonka kala duwan ee ka dhacay wadamada carabta. Waxaa uu hadalkiisa ku soo xiray: Waxaa inoo balan ah inaan ku guuleysano doorashada 2014-ka . Waa inaan badbaadinaa sweden si aaney u noqon wadan qofka lacagta lihi waxa uu rabo samaysan karo halka kan farqiirka ah aan cidina daryeeleynin. Intaas ka dib waxaa la aadey hoolka weyn ee ururka tacliinta ABF, halkaas oo qaxwe iyo wax la cuno lagu diyaariyey. Intii la qaxweynaayey waxaa ay madaxda jaaliyada soomaalidu fursad u heleen iney la kulmaan xildhibaanka. Jaaliyadu waxaa ay xildhibaanka kala hadleen, dhibaatada dadka soomaalida ah ka haysata dhinaca shaqada iyo weliba guud ahaan arimaha qaxootiga. Waxaa soo diyaariyey: Weriyayaasha iyo sawirqaadayaasha shabakada caalamiga ee balkeena.com Madaxa qaybta Eskilstuna: C/risaq Xuseen Sawir qaade. Bashiir Beebe iyo Bile Eskilstuna.sweden
Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |









