Home » Cayaaraha » Eskilstuna: Koobkii kubada cagta ee qaboobaha oo lasoo gabagabeeyey

Eskilstuna: Koobkii kubada cagta ee qaboobaha oo lasoo gabagabeeyey

Eskilstuna: Koobkii kubada cagta ee qaboobaha oo lasoo gabagabeeyey

 

Eskilstuna,Sweden: Degmada Eskilstuna oo aan aad uga fogeyn caasimada Sweden ee Stockholm ayaa waxaa ku nool soomaali gaareysa ilaa  kun iyo shan boqol oo qof. Dadkaas ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro. Dhinaca isboortiga magaaladu waa mid aad ugu firfircoon. Haddaba xilliga qaboobaha ee dhamaadka sanadka ayaa waxaa la qabtaa koob loogu magac daro koobkii Qaboobaha. Haddaba sanadkaan ayaa waxaa qabanqaabintiisa iska kaashaday ururka dhalinyarada Somaliska ungdomsnätverk- kooxda SYS iyo ururka saldhiga u ah ciyaaraha magaalada ee Somalidoon IF. Koobkii sanadkaan 2012-ka  ayaa waxaa uu bilaamay maalintii talaadada ee bishu ahayd 25 dec, saddex maalmood oo isku xiga ayuuna socdey. Koobkaas oo lagu magacaabo Diiriye Cup ayaa waxaa ka qayb gashay koox marti ah oo ka timid magaalada Stockholm. Waxaana qabanqaabada iyo qorsheynta qayb weyn ka qaatay maamulka ciyaaraha  soomalidoon IF Mudane Simon Ali iyo Maxamed- M3.  Waxaana tartanka qaboobaha lagu soo afjaray koob lagu magacaabay  SYS Cup oo la qabtay 28 dec 2012-ka.

KOOBKA SYS ( S. Y.S Cup)

Koobkaan waxaa ka qaybgalay afar kooxood oo uu is wada arag dhex maray. Kooxuhuna waxaa ay kala ahaayeen:

 

Kooxda Dimoqraadi IF

 

Kooxdaan ayaa sidaad u jeedaan waxaa ay isugu jirtaa dhalinyaro iyo odayaal ruug cadaa ah oo muddo dheer kusoo jirey ciyaaraha . Kooxdaan ayaa bilowgii hore dadku ay dhayalsanayeen balse markii ciyaaraha laguda galay ayey wacdaro soo bandhigeen

                                                                 Kooxda Midnimo BK

Kooxda midnimo BK ayaa waxaa ka koobnayd ciyaartoy aad u yaryar oo qaarkood ay dhigtaan dugsiga sare. Balse waxaa kooxda ku jirey ciyaartoy aad looga yaqaan degmada Eskilstuna iyo gobolka Sörmland, oo qaarkood u soo safteen gobolada Soomaaliya. Waxaa ay ka mid ahayd kooxdu kooxihii ay dadweynuhu saadaaliyeen iney koobka caawa hanan doonto

Kooxda SYS 1

Kooxda SYS 1 ayaa  waxaa ay u badnaayeen ciyaartoy dhalinyaro ah oo aad u firfircoon. Waxaa kaloo kooxda ku jirey qaar ka mid ah howlwadeenada Masjidka soomaalida ee masjidul Dacwa. kaalinta kooxdu gashay waa inoo soo socotaa

Kooxda SYS 2

Kooxda SYS 2 ayaa iyaduna ahayd koox aad u wanaagsan. Kooxdaan waxaa ku jira ciyaartoy aad loo yaqaan iyo maamulka kooxda sys.

Yaa gushii raacday oo koobkii hantiyey

Sidaan horay usoo sheegnay dhamaan 4-ta kooxood ayaa iswada arkay. Koox walbaana waxaa ay soo bandhigtay ciyaarteedii ugu damaysey ee ay dooneyso iney koobka ku hantido. Kooxihii qaar ayaa kala badiyey qaarka bar-bar dhac ayey isla galeen. Tabeelihii ama natiijadiina waxaa ay noqotay sidatan.

Kooxda Midnimo                               9 dhibcood

Kooxda Denmoqraadi If                4 dhibcood

Kooxda SYS 2                                     2 dhibic

Kooxda SYS 1                                      1 dhibic

 

Waxaa sida aad kala horeynta ka aragtaan koobkii gacanta ku dhigay kooxda MIDNIMO oo  caawa run ahaantii soo bandhigay ciyaar aan horay loo arag oo xirfadaysan, Taasina waxaa ay u suurto gelisey in kooxdu ka badiso dhamaan kooxihii kale ee ka hor yimid.

Kooxda Dimoqraadi IF oo iyada kolkii hore la saadaainaayey in lagu dhibco badsan doono maadaama ay odayaal ku jiraan ayaa wacdaro muujisay. Wada shaqayn iyo dadaal badan waxaa ay kooxdu ku guuleysatay kaalinta labaad, iyadoo heshay hal badis ah iyo hal bar-bar dhac , halmarna waa laga badiyey.

Intaas ka dib waxaa ciyaartoyda iyo dhalinyarada loo qaybiyey cabitaan iyo macmacaan loo diyaariyey.

Koobkii SYS waxaa la gudoonsiiyey kooxda MIDNIMO – Eskilstuna

Kooxda koobka qaaday: ka bilow fadhiga midig: Abuubakar, Maxamde ( dhiye), Yuusuf ( boowe), ciyaartoyda taagan midig; cali yare, Farsamo,Mahad iyo Daahir dhuunte oo ka mid ah odayaasha magaalada

Shabakada caalamiga balkeena.com xafiiskeeda Eskilstuna oo goobjoog ka ahaa ciyaaraha waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhalinyarada ka qaybqaadatay tartankan iyo weliba qabanqaabiyaasha koobka.

Balkeena.com

Eskilstuna.sweden

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments