Home » Radio balkeena » Dhagayso:- Warbixin Xaaladaha ka Taagan Magaalada Gaalkacyo, Duqeyn Saaka ku dhacday Xaafado Waqooyiga ku yaalla Iyo Puntland Oo Si Kulul uga hadashay Galmudug-na u digtay.

Dhagayso:- Warbixin Xaaladaha ka Taagan Magaalada Gaalkacyo, Duqeyn Saaka ku dhacday Xaafado Waqooyiga ku yaalla Iyo Puntland Oo Si Kulul uga hadashay Galmudug-na u digtay.

Dhagayso:- Warbixin Xaaladaha ka Taagan Magaalada Gaalkacyo, Duqeyn Saaka ku dhacday Xaafado Waqooyiga ku yaalla Iyo Puntland Oo Si Kulul uga hadashay Galmudug-na u digtay.

Duqeymo Laga Soo riday dhinaca Maamulka Galmudug oo saaka ku dhacay dhanka Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug oo si kulul uga hadlay Warbixin cod ah dhagayso.

Radio Balkeena, Gaalkacyo(07-12-2012):- Akhristayaal, Dhagaystaal halkaan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin ku saabsan Xaaladda Magaalada Gaalkacyo xilligaan ka taagan iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Xiisado ay ka dhex aloosan yihiin.

Warbixinta waxaad ku dhagaysan doontaa Duqeymo Saaka saaka ku dhacay Xaafadaha Israac iyo Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo oo laga soo riday Dhinaca Maamulka Galmudug, kuwaasi oo bur buriyay Guryo dhowr ah balse cidina aysan waxba ku noqon iyo Maamulka Gobolka Mudug iyo Taliska Ciidamada Booliiska Puntland oo Arrintaasi Si Kulul uga hadlay.

Cid ka Tirsan Maamulka Galmudug Oo arrintaasi ka hadashay ma jirto, balse Puntland waxaa ay ugu baaqday in Galmudug ay joojiso weerarada Gardarada ah ee sii xoogaysanaya.
Halkaan ka dhagayso warbixinta oo uu idiin diyaariyay Axmed Cali Kilwe.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Radio Balkeena
Nairobi, Kenya.

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments