Home » Wararka » Caasho Geelle: “1% ayaan ka tagnay waxanna gaarney 17.5%”

Caasho Geelle: “1% ayaan ka tagnay waxanna gaarney 17.5%”

Caasho Geelle: “1% ayaan ka tagnay waxanna gaarney 17.5%”

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ee Puntland ayaa sheegtay in ansixinta Dastuurka cusub ee Puntland ay tahay mid ay haweenku si aad ah usoo dhoweynayaan.

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo safar shaqo ku joogta dalka Maraykanka islamarkaana u warantay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa sheegtay in Dastuurka cusub ee Puntland uu yahay mid xoojinaya ka qayb galka dumarka ee siyaasadda iyo arimaha kale ee bulshada.

Wasiirka haweenka ee Puntland ayaa sheegtay in mar walba oo ay kor u kacdo ka qayb qaadashada haweenka ee siyaasaddu ay taasi horseedeyso in haweenku ay horumar ka gaaraan dhinac walba, islamarkaana ay ku gor gortamaan sidii ay usoo dhacsan lahaayeen xuquuq badan oo ay sheegtay in ay haweenka ka maqan tahay.

Waxayna intaas raacisay in kordhinta saamiga haweeku ay ku yeelanayaan Siyaasadda Puntland aysan ahayn mid iska timi, balse ay ku gaareen dadaal badan oo ay sameeyeen, iyadoo arintaas ka hadlaysa Caasho Geelle hadaladeedii waxaa kamid ahaa:

 ” waan ku qanacsan nahay, waayo cidi nama siin. Waxan kasoo tagnay 1%, Waxanna gaarney 17.5, intaasna kuma ekaan doonno”

Wasiirka haweenka ee Puntland ayaa dhinaca kale sheegtay in booqashada ay xiligan ku joogto dalka Maraykanku ay tahay mid salka ku haysa arimo badan oo ay kamid tahay: sidii dadka aqoon yahanka ah ee qurbaha jooga dib dalka loogu soo celin lahaa si aqoontooda iyo waaya aragnimadooda looga faa’iideysto.

Dastuurka cusub ee Puntland oo 18-kii bishan ergooyinkii ansixintiisa loosoo xulay ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen, ayaa waxaa sidoo kale si aad ah usoo dhoweeyey dhamaan qaybaha kale ee bulshada Puntland.

 Source:- Horseedmedia.net

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments