|
Home » Radio balkeena » Balkeena tv » Baladweyne Qarax ka dhacay, Meydad la helay, wafdi booqday iyo warar kale.
Baladweyne Qarax ka dhacay, Meydad la helay, wafdi booqday iyo warar kale.
Baladweyne(RBK):- Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayaa in Ciidamo ka tirsan Milatariga Ethiopia ka qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtahay Boosteejada Xamar ee Xaafadda hawlwadaag. Qaraxa ayaa noociisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso ee loo adeegsado Rimuud-kantaroolka, waxaana ay qaraxday xili Ciidamada oo kolonyo ah ay meesha marayeen. Lama oga khasaaraha dabta ah ee ka dhashay waxaana Ciidamada Ethiopia ay magaalada Baladweyne ka wadaan baaritaano ay ku raad joogaan Cidii ka dambaysay. Meydad laga helay Gudaha magaalada. Dhinaca Meydadka 5 ruux oo siyaabo kala duwan jirtooda ay rasaas ugu taalo islamarkaasina gacmaha iyo indhaha ka xiran ayaa laga helay jiinka wabiga Shabelle ee dhexmara Magaalada Baladweyne. Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan dadkaasi 2 ka mid ah la aqoonsaday halka 3 ka mid ah la garan waayay ka dib markii jirkoodu uu si aad ah i badalmay ayna ka muuqato rasaas cul culus oo lala dhacay. Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay dilka 5-taan ruux lama yaqaan wax lagu dilay iyo cid dishay toona. Wafdi QM ka socda oo gaaray Baladweyne. Sida ay sheegayaan wararka uu radio balkeena ka helayo magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in maanta uu gaaray wafdi ka socda Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, waxaana wafdigaasi uu ka kooban yahay Hay’ada Samafalka u Qaabilsan QM iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska UNPOS ee Siyaasadda soomaaliya u qaabilsan UN-ka. Wafdigaan waxaa garoonka ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay masuulka tirsan maamulka Dooxada Shabeelle, Xildhibaano ka tirsan DKMG ah iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ee magaalada gacanta ku haya. Ujeedka Wafdigaan waxaa lagu sheegay in ay ugu muhiimsan tahay sidii Hay’ada samafalku ay dib ugu bilaabi lahayd howlaheedi gar gaarka bini’aadantinimo ayna dib xafiisyadeeda Baladweyne uga furan lahayd. Booqashada wafdigaan ayaa waxaa ay noqonaysaa markii labaad oo tan iyo markii Magaalada Baladweyne ay soo gashay gacanta Dowladda Soomaaliya gaaraya magaaladaasi. Axmed Cali Kilwe Waxaad nagala soo xiriiri kartaan oo wararka iyo wixii aad haysaan noogu soo diri kartaa kilwe@balkeena.com. Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |



