Home » Wararka » Axmed Doonyaale La Taliyaha M-weynaha Puntland”Dowladda Waxaa u qorshaysan in ay Al-shabaab Galgala ka sifayso”.

Axmed Doonyaale La Taliyaha M-weynaha Puntland”Dowladda Waxaa u qorshaysan in ay Al-shabaab Galgala ka sifayso”.

Axmed Doonyaale La Taliyaha M-weynaha Puntland”Dowladda Waxaa u qorshaysan in ay Al-shabaab Galgala ka sifayso”.

Axmed Doonyaale La taliyaha Dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xaaladda Puntland ka hadlay iyo Al-shabaabka Galgala.

Radio Balkeena, Garoowe(07-12-2012):- La Taliyaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Axmed Doonyaale oo warbaahinta Maxaliga ah ee Gudaha Magaalada Garoowe u warramay ayaa sheegay in Dowladda Puntland qorshaheeda Buuralayda Galgala uu yahay in ay Kooxda Al-shabaab halkaasi ka saaraan.

Axmed Doonyaale waxaa uu sheegay in Kooxaha Al-shabaab ka tirsan ay si xad dhaaf ah ugu soo qul qulayaan Deegaanada Puntland iyagoo ka imaanaya Koonfurta Dalka Soomaaliya oo looga soo awood roonaaday.

Doonyaale oo ka hadlayey qaabka ay Al-shabaab ku gaaraan buuraha Galgala ayaa sheegay in dhulka Puntland uu yahay dhulbalaaran ayna jihooyin badan ka soo galaan oo bariga iyo bada ahba,wuxuuna tilmamay inay mid mid iyo lababa ay isku soo racaan isagoona meesha ka saarin in dawladda Puntland ay la socoto dhaq-dhaqaaqa kooxdan ku jabtay dagaalada koonfurtu Somalia.

Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka iyo Dowladda Puntland-ba ay ka midaysan yihiin fikirka ah in la tirtiro Kooxaha Argagixisada ah.

Hadalka La Taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinaca amaanka Axmed Doonyaale ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Dowladda Puntland Deegaanka Sugurre looga Dilay in ka badan 12 askari kuwo kale dhaawac loo gaystay.

Ugu Dambayntii Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa horay u sheegay in dagaal lala gali doono Kooxaha Argagixisada ah ee Firxadka ku yimid Puntland ka dibna isku aruursaday Buuralayda Golis iyo Galgala ee Sanaag Bari Puntland.

Axmed Cali Kilwe

Radio Balkeena.

 

Comments/Fekerkaaga ka dhiibo

comments

Powered by Facebook Comments