|
Home » Wararka » Ahlusunnah Waljameeca Oo Puntland ugu baaqday in aysan dhayalsan Al-shabaab-ka Buuralayda Golis ku dhuumanaya.
Ahlusunnah Waljameeca Oo Puntland ugu baaqday in aysan dhayalsan Al-shabaab-ka Buuralayda Golis ku dhuumanaya.
Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan Abuu Yuusuf (al-Qaaddi) waxaa uu sheegay in khatar badan ay Puntland uga imaan karto Kooxdaas oo ay dhayalsadaan, waxaana uu ugu baaqay in Maamulka Puntland uu feejignaan buuxda ka muujiyo arrintaan, islamarkaasina shacabka looga baahan yahay in ay hal meel uga soo wada jeestaan dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab. Al-qaadi waxaa uu sheegay in Shabaab markii ay ku fashilmeen Koonfurta dalka Soomaaliya ay u carareen Deegaanada Puntland, igayoo doonaya in ay qasaan amniga iyo kala dambaynta ka jirta Deegaanada Puntland. Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan Abuu Yuusuf (al-Qaaddi) Afhayeenka Maamulka Ahlusunah ee Gobolada dhexe waxaa uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin iskaashi kasta iyo wada shaqayn kasta oo looga hortagayo Kooxda Al-shabaab ee Al-qaacida ku xiriirsan. Maamulka Ahlusunnah waljameeca waxaa uu ka mid yahay dhinacyada Dagaalka Xooggan kula jira Kooxda Al-shabaab mudada dhowrka Sano ah dagaalada Joogtada ah waday Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya. Hadalka Ahlusunaha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu dhowr jeer ku cel celiyay in Kooxda Al-shabaab ay saldhig hor leh ka samaysteen Buuraha Golis iyo Galgala ee Sanaag Bari Puntland, sidoo kale waxaa isna qiray ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Proff C/weli Maxamed Cali Gaas. Axmed Cali Kilwe RBK Radio. Comments/Fekerkaaga ka dhiiboPowered by Facebook Comments |



